Kheeyre oo mar kale Shacabka Gobolka Banaadir ku Beer Laxawsanaya”Ciidamo Cusub ayaan diyaarinay”

Reading Time: < 1 minute

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa ku dhawaaqay in Howlgal amni oo ballaaran laga fulin doono guud ahaan magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay mudane Khayre in howlgalka cusub ay u diyaarisay dowladda in ka badan 1,000 Askari oo isagu jira Boolis, Nabad Sugida, Militeri iyo kuwa AMISOM, gaar ahaan Booliska Midowga Africa usoo direen Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in wax laha qaban doono amaanka Caasimadda, kadib markii dhawaan ay Al Shabaab weeraro ka fulisay afaafka hore ee Aqalka Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.

Iyadoo ay tani jirto, ayaa waxay Al Shabaab kusoo qaadeen magaalada Caasimadda dhowr weerar wixii ka dambeeyay magacaabista Taliye-yaasha Booliska iyo Nabad Suguda bishii lasoo dhaafay.

Al Shabaab ayaa inta badan kordhisa weeraradeeda marka isbedel lagu sameeyo hogaanka Hay’adaha Amniga dowladda Federaalka, iyadoo arintaasi lagu micneeyay inay uga gol leedahay muujinta awoodeeda iyo inay fashliso qorshooyinka dowladda.