Waxaa la rumeeysan yahay in Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xassan sheikh aadan Iyo R/wasaare Xassan Cali Kheeyre in ay shuraako ku ahaayeen in Meesha laga saaro Gudoomiyahii Baarlamaanka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari.
Sababta loo eryay ayaa waxaa ay aheed in la keeno shaqsi uu rabo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo mid aaan ka hor imaan Go’amanda qalafsan Ee Kheeyre
Hadda wararka ay heleeyso Muqdisho online waxaa ay sheegayan in khilaaf uu ka dhex-curtay Kheeyre Iyo shariif Xassan sheikh aadan kaasi oo ah in la isku garan la’yahay shaqsiga bedeli lahaa jawaari
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xassan sheikh aadan ayaa rabo in loo ololeeyo shaqsi uu wato, hase”yeeshee Kheeyre ayaa doonaya in uu miiska soo saaro Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga
Khilaafkaan ayaa waxaa uu sababi karaa in uu culeeys weeyn kasoo wajaho Kheeyre dhinaca Baarlamaanka