Kheeyre oo Diyaarsaday Golle wasiiro ah oo uu Ku Dagaalamo iyo Maamul Goboleedyadda oo ka Feejigan(Magacyadda Shaqsiyaadka la filaayo)

Reading Time: 3 minutes

Xukumadda R/wasaare xassan cali kheeyre waxaa ka maqan ku dhawaad 15-wasiir,wasiir ku xigeen,wasiiru Dowle,taasi oo ka dhigan in dastuurka dalka mar hore laga tilaabay,waxaana hada socdo qorshe oo Kheeyre kusoo dhameeys tiraayo Golahiisa Wasiiradda.

Warar hoose oo nasoo gaaray ayaa waxaa ay sheegayaan in la diyaariyay Liiska Golaha Wasiiradda intooda badan,waxaana si kaligiis ah u diyaarsaday R/wasaare xassan cali kheeyre.

Golahaan Wasiiradda ee uu diyaarsaday R/wasaare Xassan Cali Kheeyre ayaa waxaa ay yihiin kuwa ku shaqeeyn doono Afkaartiisa islamarkaana si gooni ah ay isku fahmayaan maadaama ay u badan yihiin shaqsiyaad ku caan baxay musuq maasuq iyo wax kala gedis.

Wasiiradda la qorsheeyay in la magacaabo ee uu diyaarsaday R/wasaare xassan cali kheeyre ayaan idiinsoo gudbinayaa qaarkood waxeeyna u badan yihiin shaqsiyaad aad loo garanaayo kuna caan baxay  Musuq maasuqa iyo Boobka hantida shacabka,waxeeyna kala yihiin

Cawil Daahir Salaad oo ah Wariye ka shaqeeya TV-ga lagu magacaabo Universal ayaa  kasoo dhex-muuqan doono Golaha wasiirada,waxaana tan iyo markii ay curatay Dowlada hadda jirto uu baahinaayay Beenta iyo Baron-bagaandada NABAD IYO NOLOL,waana sababta xilkaan loogu magacaabaayo,Waxuuna u dhashay Beesha waceeysle/Abgaal

Xildhibaan Foowsiyo Maxamed shiikh oo Ehel la ah Gudoomiyahii Hore ee baarlamaanka Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa la filayaa in ay kasoo dhex muuqato Golahaasi Wasiiradda.

Axmed Washiton oo ah Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo si dardar leh Dhaqaallo badan uga sameeyay Dekadda Muqdisho saaxiibna la ah Kheeyre ayaa loo magacaabayaa Wasiiru-dowle,waxuuna kasoo jeedaa Beesha Mataan Cabdulle/Abgaal

Aadan Maxamed Nuur(Saransoor) oo kasoo jeeda Beesha Raxan-weeyn ayaa qorshahu yahay in wasiir loo magacaabo,waxuuna hadda ka mid yahay shaqsiyaad ka daba-nacamleeya xukumadda jirta.

Sidoo kale C/fitaax geeseey oo ah Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka soomaaliya kuna heeyb ah Aadan Maxamed Nuur(Saransoor) ayaa Sheegay in xilkaasi loo balan-qaaday oo Madaxweyne farmaajo u sheegay waqtigii ay socotay Ololahii Jawaari in Wasiir laga dhigaay,Hase’yeeshee kheeyre ayaa taako saaraayo Maadaama uu yahay shaqsi firfircoon kheeyre’na rabin shaqsi Dhaqdhaqaaq leh

C/laahi Xaaji xassan oo isna kasoo jeeda Isla Beesha Xaran-weeyn gaar ahaan Sideedaad horay usoo noqday wasiirkii Arimaha Dibadda Xukumaddii C/wali gaas  oo ay Xigto Yihiin Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan ayaa kasoo dhex muuqan doono Wasiiradda uu qortay Kheeyre

Maxamed Cumar Carte qaalib oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowlada federaalka ah ee soomaaliya horayna xilal kala duwan usoo qabtay ayeey suura-gal tahay in lagusoo daro Golaha Wasiiradda.

Xildhibaan Nuur oo dhawaan doorasho ka dhacday Jowhar oo ku celis aheed uga guuleeyste C/laahi sanbaloolshe ayaa qeeyb ka ahaan karo Golaha wasiiradda,waxuun kasoo jeeda Beesha/Xawaadle,Gaar ahaan Cali Madaxweyne

Dhanka kale waxaa jiri doono wasiir ku xigeeno dhowr ah oo lasoo magacaabaayo sida ay Muqdisho Online u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Xafiiska R/wasaare kheeyre.