Xassan Cali Kheeyre Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr milyan oo doolarka Maraykanka ah wuxuu kala soo baxay qasanadda dowladda ee Bankiga Dhexe.
Ilo ku dhow Xafiiska Kheyre ayaa inoo xaqiijiyey in Ra’iisul wasaaraha uu lasoo baxay lacg dhan 3 Milyan oo doolarka Maraykanka ah, waxaana uu doonayaa inuu ku fangareeyo mooshinka Jawaari.
Sidoo kale saraakiil ka tirsan Xafiiska R/wasaare Xassan Cali Kheeyre waxaa ay Muqdisho Online u sheegeen in Lacagtaasi la doonaayo in lagu qanciyo qaar ka mid ah Xildhibaanadda baarlamaanka oo kasoo horjeestay Mooshinka Gudoomiye Jwaari
Lacagahan ayaa qeybintooda waxay ka bilaaban doontaa xafiiska Ra’iisul wasaaraha, waxayna xogta sheegeysaa in la doonayo in lasiiyo xildhibaannada mooshinka wada.
Kheyre waxaa ka go’an in Sabtidii daaqadda laga saaro guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.