Kheeyre oo amray in aan la qori karin shaqaalle Dowladeed

Reading Time: < 1 minute

Qoraal kasoo baxay Guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka ee dowladda  Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ,kaddib amar kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ilaa Amar-dambe lagu joojiyey qorista Shaqaale Cusub oo ay qaadaneyso Dowladda Soomaaliya.

Qoraalka oo uu ku saxiixan yahay Guddoomiyaha Guddiga Xasan Abshirow Maxamed kuna taariikheysan 24-ka bishan November ayaa waxaa lagu wargeliyey Hay’adaha kala duwan ee Dowladda inaysan qori Karin Shaqaalaha ka yimaada wasaaradaha ee leh qoondo miisaaniyadeed iyo kuwo aanan laheyn intaba.

Sidoo kale Go’aankaan oo ah mid KMG ah ayaa Hay’adaha Dowladda iyo Wasaaradaha waxaa lagula socod siiyey in dib loogu soo sheegi doono xilliga ay munaasibka noqoto in dib loo bilaabi karo qorista Shaqaalaha.

Go’aankaan kasoo baxay  Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka ee dowladda  Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan Golaha Wasiiradda Soomaaliya ay ansixiyeen  miisaaniyadda sanadka 2020 oo gaareysa $459.5 Milyan.