Warar hoose oo ay heleyso MOL ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu ka Carooday Sawir laga soo qaaday Wasiir ka tirsan Xukuumadiisa oo Baraha Bulshada saameyn ku yeeshay.
Kheyre ayaa u yeeray Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Cabdi raxmaan Xoosh Jabriil oo su’aalo uu ka weydiinayo sababta ku qasabtay inuu la kulmo Cabdi Kariin Sheekh Qalbi Dhagax oo Raali galin uu siiyo isagoo Dowlada ka tirsan.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ilo xafiiskiisa kudhow waxay sheegayaan inuusan la dhacsaneyn khaladkii laga galay Qalbi dhagax isla markaana uu rajo ka qabo in Dowlada Federaalka ay mar un Raali ka bixiso khaladkaasi balse wuxuu diidan yahay maadaama Qalbi Dhagax uu Madaxtooyada Soomaaliya ku marti qaaday Madaxweynaha Soomaaliya uuna diiday inuu la kulmo Madaxda Dalka inay Wasiiro si caadi ah ula kulmaan maadaama ay Dowlada matalaan.
Xasan Cali Kheyre ayaa dhowr jeer Wasiiradda Xukuumadiisa kaga digay Talaabooyinka ay qaadaan, wuxuuna ku amray inay latashiyo kala sameeyaan Ra’iisul wasaare Kuxigeenka Dalka balse Xoosh Jabriil ayaa marar badan sidan oo kale kaga careysiiyay Madaxda Dalka iyo mar uu u gafay Baarlamaanka uu xilkiisa ku weyn rabay.
Si kastaba ha ahaatee Wasiir Xoosh iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa lagu wadaa inay arrintan ka wada hadlaan, iyadoo Umadda Soomaaliyeed ay si weyn usoo dhaweysay go’aanka uu qaatay Xoosh.