Kheeyre  Afkiisa iyo dhegtiisu isma-maqlaan (VIDEO)

Reading Time: < 1 minute

R/wasaaraha Xukumada federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Cali kheeyre waxaa uu maalin walbo umadda Soomaaliyeed u sheegaa been joogto ah oo aan xishood laheeyn,asigoo iska dhigaya nin daacad ah.

25-kii bilood ee uu xafiiska joogay waxaa uu balan-qaaday  ku waxyaabo badan kuwaasi oo uu qaarkood dhaar iskula jiiday,ilaa iyo hadana ma jiro qodob ka hir-galay ama laga fuliyay.

Sidoo kale kumanaan jeer ayuu ku cel celiyay balanqaad ah isla xisaabtan qodobkaas ayaa isna la mid noqday kuwii hore waana beenoobay,taas oo ceeb weeyn ku ah xukumadiisa.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa leh”R/wsaare kheeyre afkiisa warka kasoo baxaya dhegtiisu ma maqasho,sidoo kale waxaa loo bixinayaa naaneesyo badan.

Ceeb ka weeyn ma jirto in maalin walbo aad been cad umadda lasoo hor istaagsanaato adigoo mas’uul qaran ah,taasna waxaa ay cadeeyneeysaa  fashilkaaga.