Khayre Oo Looga yeeray Magaalada Garowe

Reading Time: < 1 minute

Warar hoose oo an heleyno ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, la filayo inuu dhowaan booqasho ku tago magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland, haddii wad-hadallo socda la isku raaco.

Xubno ku dhow madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Gaas, ayaa sheegay in Gaas uu qorsheynayo inuu Kheyre ku casuumo xafladda sanad-guuradii labaad ee markii la aas-aasay maamulka Puntland, oo ku beegan kowda bisha August.

Wararka ayaa sheegayaa in wada-hadallo ay iminka u socdaan xafiiska Kheyre iyo kan Gaas, oo looga hadlayo arritan.

Sida warku sheegayo, Puntland ayaa dooneysa in inta Kheyre uusan iman Garoowe laga wada-hadlo arrimo ay dooneyso in heshiis laga gaaro, iyo heshiisyo horey labada dhinac ay u gaareen oo aan weli qaarkood la fulin.