Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saakay ka dhacay agagaarka isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho, sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegeen Caasimada Online
Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in lala damacsanaa gaari Cabdi Bile oo ku socdaalayey waddada aada dhinaca xaafadda Jamhuuriya ee defmada Kaaraan.
Qaraxa al ayaa lala beegtay sarkaal ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya oo lagu magacaabo, Saney Cabdulle Gaab, kaas oo ay galbinayeen ciidamadu, waxaana la sheegay inuu ka bad-baaday qaraxaas, islamarkaana uu dhacay waxyar kadib markii uu gudbay gaarigii uu saarnaa.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in afar qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaawacmeen qaraxaasi