Guddiga xaqiiqo raadinta khasaaraha naf iyo midka maaliyadeed ee ka dhashay dagaalkii Magaalada Boosaaso ku dhexmaray Ciidamo ka kala amar-qaata Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni & Agaasimaha PSF Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa bandhigay khasaaraha ka dhashay dagaal dhacay December 2021.
Warbixinta Guddiga ayaa lagu muujiyay Khasaaraha dhimashada, dhaawaca, Guryaha dumay, hantida ku baaba’day iyo saameynta nololeed ee waxsoosaarka ganacsiga sida Warshadaha uu dagaalkaas hoos u dhigay waxsoosaarkooda.
Guddiga ayaa tilmaamay in Dadka dhintay ay yihiin 22 ruux, kuwa dhaawacmay waa 86 qof, khasaaraha hanti ee ka dhashay dagaalkaas waxa uu guddigu warbixintiisa ku sheegay in ay tahay $807,500 (Siddeed boqol iyo todobo kun iyo shan boqol oo dollar).
13ka xubnood uu ka kooban yahay Guddiga ayaa qoraalkooda ku muujiyay in xog-baaristooda ay wadeen muddo iyaga oo ugu dambeyn soo bandhigay heerka uu gaarsiisan yahay dagaalka tooska ah ee saddexda cisho socday iyo rasaasta goos-gooska ah ee todobaadka ka badan socotay.
Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayuu Guddigaan la kulmay, waxa uu bandhigay in magdhaw la siiyo Dadkii naf iyo maal wax ku noqday dagaalka ka dhacay Boosaaso oo ugu dambeyn xal ay ka gaareen dhinacyadii uu u dhaxeeyay.
Dagaalka Siciid Deni iyo Maxamuud Diyaano ayaa ka dhashay Xil ka qaadis Madaxweynaha DG Puntland uu ku sameeyay Agaasimaha Ciidanka gaarka u tababaran ee PSF oo diiday in uu xilka wareejiyo balse dagaal toos ah dhexmaray ciidan labada dhinac la kala safan.