Xalay saqdii dhexe ayaa waxaa dagaal culus uu ka dhacay deegaanka xeraale ee Gobolka Galgaduud kaas oo dhaliyey khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka ayaa sida la sheegay waxa uu u dhaxeeyay Ciidamada Ahlusuna ee ku biiray Maamulka Galmudug iyo maleeshiyaad ku sugan gudaha deegaanka Xeraale,waxaana lagu soo waramayaa in dagaal mudo saacad ka badan socday uu halkaasi ka dhacay.
ilo wareedyo ku sugan gobolka Galgaduud ayaa soo sheegaya in dagaalka uu yimid kadib markii Ciidamada Ahlusuna ee ku biiray Galmudug ay weerareen deegaanka Xeraale oo ay ku sugan yihiin maleeshiyo beeleed aan ka amar qaadan Maamulka Galmudug.
Ilaa Saddex ruux ayaa la xaqiijiyey oo labada dhinac ah inay dagaalkaas ku geeriyoodeen halka tiro ka badana ay ku dhaawacmeen,waxaana dadka deegaanka qaarkood ay sheegeen inay weli cabsi dareemayaan.
Xaafadaha qaar ee deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaceen madaafiic leys weeydaar sanayay,waxaana dadka deegaanka xeraale qaarkood ay bilaabeen inay deegaankaasi ka barakacaan.
Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug iyo taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolka Galgaduud weli dagaalkaas xalay ka dhacay deegaanka Xeraale kama hadlin, hayeeshee waxaa xusid mudan in tira dhowr jeer ay deegaankaas ku dagaalameen ciidamo taabacsan Ahlusuna iyo maleeshiyaad deegaanka ah.