Khasaare ka dhashay shil gaari oo ka dhacay magaalada Hargeysa

Reading Time: < 1 minute

Ciidanka Dab-damiska magaalada Hargeysa ayaa Habeenimadii xalay  ka Hawlgalay Gaari Lancruiser ah  oo ku Qallibmay agagaarka dugsiga Maxamuud Axmed Cali gaar ahaan halka ay ka socoto waddada cusub ee hadda gacanta lagu hayo.

Gaarigaan waxaa saarnaa 8 qof waxaana dhaawacmay 6 Qof oo Haween ahaa kuwaasoo dhaawacyo ka soo gareen madaxa, gacmaha iyo Feeraha. Dhaawacyada ayaa u badnaa kuwo fudud marka laga tago gabadh Uur leh oo Gacanta dhaawac ka soo gaadhay.

Ciidanka Dab-damiska ayaa soo toosiyay gaarigaa shilka galay, sidoo kalena dhaawacii gaadhsiiyay cisbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa. Ciidanka Booliska iyo Nabadgelyada Waddooyinka ayaa iyaguna Hawlgalkaa Qayb ka ahaa.