Khasaare ka dhashay qarax caawa ka dhacay Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Qof Shacab ah ayaa ku dhintay, mid kalena waa uu ku dhaawacmay Bamgacmeed lagu tuuray isgoyska Xararyaalle ee Muqdisho.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay salaadii cishaha kadib inay jug xoogan ka maqleen dhanka Isgoyska kadibna ay xigtay rasaas badan oo ciidamada ay rideen.

Ciidamada ammaanka ayaa caawa bilaabay baaritaano amni xaqiijin ah, waxayna ku daba jiraan raggii ka dambeeyay weerarkan, sida ay sheegeen saraakiil qaabilsan ammaanka.