Khasaare badan oo Al-Shabaab ka soo gaaray Qarax ay Xaradheere ku diyaarinayeen

Reading Time: < 1 minute

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari ku rarnaa oo xalay ka dhacay Gobolka Mudug ee Dowladd Goboleedka Galmudug.

Qaraxaan oo saarnaa gaari Nooca Soomaalida u taqaano leyla Calaawi ayaa ka dhacay Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, gaar ahaan meel aan ka fogayn Deegaanka Dabagalo.

Dadka deegaanka sheegay in qaraxaas ayaa laga maqlay deegaanada Dabagalo, Gumar, Miliqo, Korodhi iyo deegaanada kale ee ku dhow dhow Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in gaariga qarxay ay saarnaayeen 3-ruux ayna ku dhinteen isla goobta.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaariga qaraxa ku rarnaa uu kusoo wajahnaa midkood magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusa-mareeb oo mashquul badan laga dareemayo.