Khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay Magaalada Baladweyne (Sawiro)

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxa ka dhacay Magalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan kaas oo inta badan jugtiisa laga maqlay Xaafadaha kala duwan ee Magalada Baladweyne.

Qaraxa ayaa ahaa miinada noocad dhulka lagu aaso, waxana la sheegay in uu ka Guri Magalada Baladweyne ay ka degan yihiin Janeraal Mukhtaar Xuseen Afrax oo mar soo noqday taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo guddoomiyihii hore ee G/Hiiraan Cumar Ibraahim Baadiyow.

Qaraxa ayaa la sheegay in xilliga uu dhacayay ay labada masuul guriga oo ku yaalla agagaarka Xarunta Maamulka ee  lama Galaay ay ka maqnaayeen waxana ku dhintay Haweeney Guriga joogtay,waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad Shacaba ah.

Advertisements
Xayeeysiin