Khasaaraha ka dhashay dagaalka Laascaanood oo sii kordhaya

Reading Time: 2 minutes

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayaa maalintii todobaad ku waabariisatay dagaal culus oo halkaasi ka socda.

Dagaalka xoogiisa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in haatan uu ka socdo deegaanada Gooye, Mooragaan iyo aaga xerada Qooja-cadde oo ku taalla duleedka Laascaanood

Wararka la helayo ayaa sheegay in ciidanka maamulka Somaliland ay magaalada si aan kala sooc lahayn ugu garaacayaan hubka culus ee kaarayaasha.

Magaalada ayaa wali wajaheysa jawi colaadeed, iyadoo ay burburtay xabad joonintii ay habeen kahor kudhawaaqday Somaliland, mana muuqato cid isu xilqaantay iney u kala dabqaado dhinacyada diriraya.

Shalay oo u danbeysay Cabdisalaan Muuse oo ahaa dhakhtar bisha cas la shaqeeya ayaa ku geeriyooday hub culus oo ugu tagay goobtiisa shaqo.

Dhanka kale Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Magaaladda Laascaanood waxa lagu dilay dagaalka Laascaanood Taliye Carabey oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Soomaaliya ee lagu soo tababaray Dalka Turkiga oo dhawaan Muqdisho uga yimi si uu uga barbar dagaalamo Kooxaha ka dagaalamaya gudaha magaalada Laascaanood.

Waxaa la sheegayaa in Somaliland oo saaka iskaga baxay xeradii agoomaha Dhinaca Waqooyi Magaalada Laascaanood oo laba cisha ka hor saldhig xoogan ka samaysteen.
Ciidamada Xaq udirirka SSC ayaa Goobta la wareegay, Jabkii Shaly Ku dhacay dartiis Ayay Fariisimo Badan iskaka Carareen

Daladaha samafalka ayaa ku baaqay in marin ammaan ah loo helo gurmadka bini’aadantinimada ee diyaarka ah, si dadka dhibaateysan ay caawimaad u helaan.