Khalalaasii Boosaaso oo aan wali xal kama dambeeysa laga gaarin

Reading Time: < 1 minute

 Waxaan wali xal loo helin khlalaasihii ka dhacay Boosaaso. Kulamo ku saabsan xal u helidda arrinta PSF iyo xukuumadda ayaa weli ka socda magaalada Boosaaso. Qaar kamid ah Isimada Puntland iyo mas’uuliyiin hore ayaa Boosaaso u jooga xallinta khilaafka labada dhinac ee PSF iyo dowladda.

Guddoomiyaha Baarlamanka iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland ayaa sidoo kale ku sugan Boosaaso. Kulamadaas oo socda mudda ku dhow laba todobaad haddana weli warbixin lagama siin bulshada islamarkaana lama sheegin natiijo ka soo baxday.