Khalalaase & dagaal goos-goos ah oo-xalay ka-dhacay magaalada-Ceerigaabo

Reading Time: < 1 minute

Waxaa xalay ka dhacay magaalada Ceerigaabo dagaal goos-goos ah oo u dhaxeeyo kooxo ka soo horjeeda Somaliland iyo koox iyagu taageeran daacadna u ah Somaliland. Waxaa magaalada Ceerigaabo gacanta ku haya ciidanka Somaliland.

Ciidamada booliska ee Ceerigaabo ayaa sheegay inay baacasadeen dableydii xalay weerartay mid ka mid ah saldhigyada Booliska ee magaaladaasi. Hogaanka magaalada oo ay soo magacaawday Somaliland ayaa sheegay in shacbiga reer Ceerigaabo ay taageersan yihiin ciidanka boolliska Somaliland.

Wararka ka imaanaya magaalada Ceerigaabo ayaa sheegaya inuu jiro dhaawac aan tiradiisa la xaqiijini oo loo gaystay ciidanka Booliska ee Somaliland Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay kooxda weerartay ciidanka Booliiska ee Somaliland iyo khasaaraha iyaga soo gaadhay.