Reading Time: < 1 minute

Waa dhab in Khadiija Diiriye ay weli fahmi la’adahay meel kale oo ay aaddo, go’aansatayna inay la joogto Farmajo iyo Fahad. Iyadoo sheegeysa in Naagnimo loogu diidayo kursiga ay isku taagtay ee G/K/Xigeen golaha shacbiga ayaa waxaa soo baxaya inay tahay qof aan xaaladda cabiri Karin oo aan fahamsaneyn in kursigan uu yahay mid u baahan cadaalad.

Kursiga wuxuu rabaa qofka qabanayaa inuu yahay qof dhexdhexaad ah oo dhanna raacsaneyn si gudoonka uu cadaalad u noqdo, hasa yeeshee khadiija waxay dhaar ku martay inay mar waliba u hiillineyso Farmajo gar iyo gardarro,  cawa iy maalin taas oo meel ka dhac weyn ku ahba inay isu soo taagto kursiga.

Dhowr kii maalmood ee tagay ayaa waxaa la hadal hayey inay golaha shacbiga ay soo dhoweynayaan inay gabar u tartanto, gudoonka hasa yeeshee  tani maaha mid lagu aaminikaro  kursigaas, waxaana cid waliba ka yaabisay markii ay si cad qof waliba ugu sheegtay inaysan ka laabaneyn ballanqaadkeedii ahaa inay codkeeda mar waliba Farmajo ugu shubeyso xaq iyo xaqdarro, gar iyo gardarro iyo xaalad kasta oo aysan marnaba texgelineyn dalka, dadka iyo Diinta oo ay ugu dhaaraty kutubka quraanka kariimka ah, taas oo ay ka muuqata inaysan dinta texgelin badan u lahayn .

Haddaba, Xildhibaanow Khadiijo yeysan codkaaga ku duminin qarankan oo yeysan adiga dembi ku gelin oo ilaali dhartii, haddii kale iyadaa ku soo kareysa marka aad go’aamadeeda la qeybsatid.