Khadiija Diiriye “Ilkacas” oo Qoorqabad Loogu Wado G/K/Golaha Shacbiga

Reading Time: 2 minutes

Dadaalka ay Farmajo iyo Fahad ugu jiraan inay mar kale golaha shacbiga afduubaan kadib markii ay dagaal aan waxba loo kala reeban ay ku wadaan sidii ay gudoonka barlamanka  gacan ugu yeelan lahaayeen. Fahad waa soo daahay oo sooma muuqdo waxaana suuragal weyn ah inuusanba imaneyn Golaha shacbiga oo haddii kursigiisa lagu noqdo oo aan la boobin hal cod xataa inuu helin ayaa laga yaabaa.

Lacago been abuur ah  oo ay soo sameysteen Farmajo iyo Fahad ayaa waxay hadda wadaan sidii ay u heli lahaayeen gudoomiye ku xigeenka golaha shacbiga oo sida dhaqanku yahay loo badaninayo inuu ka yimaado beesha shanaad.

Horay waxaa ugu fadhiyey Cabdiweli Muudeey oo harcad ay Farmajo iyo Fahad dubteen markii lafihiisa la shitay, magaca laga dilay, cadow badan loo yeelay ayaa isagoo ooynaya oo dhaaranaya sidii inuu waxar yar oo jirran u soo celin karo hadada loo waray, keligiisna maaha ee kuwa badan ayaa la yiri baabuurta iska celiya.

Ilaa iyo hadda waxay villa Somaliya Xildhibaan Khadiija Diiriye “Ilkacas” oo ahayd qof mar waliba iyo meel walba la taagneyd taageeridda dembiyada ay Farmajo, Fahad iyo Kheyre qarankaan ka galayeen mudadii 5ta sano ee la soo dhaafay.

Khadija “ilkacas” oo ay dadka qaar ugu yeeraan eeddo ma xishooto  ayaa waxay hadda ka soo roonaatay jirro la sheegay in laga dhex hadlay oo laga tumay cudurka saarka ee Mingiska la yiraahdo, waana qof aaminsan khuraafaadka, qoryo ismariska iyo waxyaabaha khiyaaliga ah. Khadiija waxay joogtaa waqtigii ay Allah u noqon lahayd oo ay ka towbad keeni lahayd waxyaabaha khuraafaadka ah, beentii iyo sacabkii ay la dhaba joogtay kooxdii dalkaan dhibaatada weyn u geysatay.

Halkaan hoose waxa ku lifaaqan muuqaal qofkii arkaa uu la yaabayo qofka loo wado gudoomiye ku xigeenka Goalaha shacbiga oo ka wakiil ah 15M Somali ah.

Dhinaca kale xogag la helayo ayaa sheegaya in sida caadada u ah villa Somaliya inay khadiijo Ilkacas ka hayaa muuqallo foolxun oo ay ku khasabayaan inay is sharaxdo, haddii ay guuleystana ku khasbi doona inay iyaga u shaqeyso oo ay sameyso waxa ay rabaan xataa haddii iyaga laga guuleysto waayo muuqaladaas ayaa ku khasabaya inay waxay rabaan fuliso.

Muuqaalkaan oo ay dhulka galgalaneyso iyadoo barqaawan xataa waxaa la sheegayaa inay villada soo bandhigtay si augu khasabto inay is sharraxdo kadib markii ay ka caga jiiday inay is sharraxdo.

Isku soo duub dalkaan waxaa ka gubay meel mala awaal iyo waxay ila tahay lagu maamuli lahaa. Dalku wuxuu u baahan yahay hogaamiye dhab ah oo tijaabsan oo yaqaanno waxa la khalday, halka laga khalday iyo isaga wixii shalay ka khaldamay sida kaliya ee uu ku imana kaaraana waa in si dhab ah loo shaqshaqaa cid kasta oo xil isu soo taagtaa haddey Gudoonka labada aqal ama madaxtooyada tahay waana xil amaano ku ah kutubkii aad ku dhaarateen xildhibaanno.

Dhibaatooyinka waa lawada garanayaa oo waa l shaagsheegi karaa sida musharixiin badan ay sameyaan waayo ciddii wax kharibtay ayaa weli soo taagan oo waxay ka gudbeen heer ay dad gaar ahi fahmi karaan, laakiin xalka lama wada garanayo, musharixiintana socdaana lama wada tijaabin karo ee qof tijaabsan hala doonto. Ogow qarkood ayaa guuldarro iyo dembiyo ku tijaabsan sida Kheyre oo ka mid ahaa nidaamkan uu hadda saxay RW Rooble ninki seddex sano iyo bar lahaa aniga iyo Farmajo jidka aan haysanno nala kama leexin karo, wuxuuna ku tijaabsan yahay xumaan falka, jawrka iyo Kibirka ee hala baadi goobo qof wanaag loo filayo lana soo arkay wanaag uu sameeyey.

Haddaba xildhibaan gabadhaan yaan la dembiyeyn oo qoorta loo surin masuliyad aad u culus oo hadhow cawaaqixumada ka timaadaa lala qeybsanayo.