Shalay gelinkii dambe waxaa xilka wasiirnimo iskaga tagay wasiirka Warfaafinta ,dhaqanka iyo Dalxiiska Xukumada federaalka ah ee Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle,waxuuna sababtaasi ku tilmaamay arrin dhanka kheeyre ah.
Khaalid Cabdi Ibraahim oo ah falanqeeye arrimaha Siyaasada ah oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in sababta wasiirku isku casilay ay tahay qalafsanaanta R/wasaare Xassan Cali Kheeyre.
Khaalid Cabdi Ibraahim ayaa yiri ‘Wasiir Daahir waxaa uu diiday awaamiirta qalafsan ee kheeyre,kuwa hada joogo sidaas ayeey u baxayaan”
R/wasaaraha xukumada federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Cali kheeyre ayaa la aaminsan yahay in uu yahay shaqsi sidii uu doono ka yeesho nidaamka dowladnimo ee hada jira,taas oo u cuntami weeysan dad badan