Dadbadan ayaa waxaa ay aaminsan yihiin in R/wasaare Xassan Cali Kheeyre uu dalka geliyay xaalad xun oo ay adagtahay in lagasoo kabsado ka dib falal aan loo riyaaqin oo uu sameeyay.
Khaalid Cabdi Maxamed oo aad u yaqaan Xassan Cali Kheeyre islamarkaana ah Siyaasi wax-badan ka og arrimaha Siyaasadda dalka ayaa sheegay in R/wasaare Xassan Cali Kheeyre uu dalka xaalad adag geliyay islamarkaana uu guranaayo kheeyraadkiisa.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayuu ugu baaqay in ay hurdada ka kacaan oo ay garaawsadaan in dalkaan masuuliyad ay ka saaran tahay Kheeyre iyo Kooxdiisuna ay ku tumanayaaan.
Waxaa uu intaasi ku daray in hadii xildhibaanada la gatay Madaxweynahana laga Burji badiyay in loo baahan yahay ineey shacabku kacaaan oo ka dhiidhiyaan falalka Kheeyre uu ku kacaayo