Khaalid cabdi Ibraahim oo Hogaanka Dowlada Kula Taliyay in Kursiga Baneeyaan Maadaama ay ku fashilmeen

Reading Time: < 1 minute

Siyaasi Khaalid oo kamid ah siyaasiyiinta soomaaliyeed ayaa sheegay in kooxda qiyaano qaran looga baahanyahay iney shacabka soomaaliyeed ay runta u sheegaan.

Khaalid cabdi Ibraahim ayaa wuxuu sheegay in farmaajo iyo kheyre lajoogo waqtigii ay sheegi lahaayeen iney fashilmeen ayna ka dhamaan la yihiin musuq maasuq iyo hagardaamada dalka iyo dadka soomaaliyeed

Siyaasi muqtaar ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in dowladu ay ku fashilantay iney horey u socod siiso dalka iyagoo noqday kuwa eeganaya danahooda gaarka ah

Geesta kale siyaasugu waxa uu tibaaxay in shacabka looga baahanyahay iney u kacaan sidii ay ku badbaadsan lahaayeen jiritaanka iyo qaranimada soomaaliyeed

Wuxuuna carabka ku adkeeyay in farmaajo iyo kheyre looga baahanyahay iney iska soowareejiyaan masiirka dalka si uusan u burburin magaca umada soomaaliyeed

Ugu danbeey siyaasi dr muqtaar ayaa wuxuu baaq u diray shacbiga soomaaliyeed isagoo ugu baaqay iney ka damqadaan sharaf dilka ay farmaajo iyo kheyre ay ku hayaan dalka iyo dadka soomaaliyeed