kenya”Rag Al-shabaab ka tirsanaa ayaan qabanay”

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamada difaaca Kenya (KDF) ee ku sugan tuulada Buulo Haji isku soo dhiibay dagaalyahan ka tirsan Al Shabaab.

Sida laga soo xiganayo warbixin uu leeyahay sirdoonka Kenya, ninka isi soo dhiibay ayaa lagu magacaabaa Xasan Xusen waana 24 jir, soo dhameystay tababar ay siisay Al Shabaab islamarkaana la qorsheynayey inuu weeraro ka fuliyo gudaha Kenya.

Weerarada ayaa la qorsheynayey inay ka dhacaan Wajir ama Mandera oo isaga uu iska soo dhiibay.

“Xasan waxa uu dagaalyahanada Al Shabaab ku biiray bishii August 2018 waxa uu dhameystay tababarkiisa kahor bisha Ramadan, waxa uu ku guda jiray habkii loogu soo qaadi lahaa Wajir ama Mandera,” ayaa lagu yiri qeyb kamid ah warbixinta sirdoonka Kenya.

Ninkan isi soo dhiibay ayaa sidoo kale watay qori AK47 ah, afar book oo xog ku qoran tahay iyo boorsooyin ay soo siiyeen dagaalyahanada Al Shabaab.

Xasan waxa uu ku dhashay Bangal, oo ka tirsan Tana River County.

Labadii todobaad ee lasoo dhaafay saraakiisha iyo askarta KDF kuwooda ku sugan gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa helayey digiino sare oo muujinayo in dagaalyahano badan oo ka tirsan Al Shabaab gudaha usoo galeen Kenya.

Bishii April askarta kuwooda qeybta ka ah howlgalka midowga Africa ee Amisom ayaa waxa ay isla buulo haji ku dileen seddex dagaalame oo ka tirsan Al Shabaab waxa ayna qabteen mid kale.

Wasaaradda difaaca Kenya ayaa qoraal ay soo saartay ku muujisay inay la wareegtay hub ay kamid yihiin labo qori oo AK 47 ah, hal qori oo ah kuwa daran dooriga u dhaca iyo rasaas fara badan