Kenya oo xirtay shirkadaha Xawaaladaha ee ka howlgala dalka Kenya

Reading Time: < 1 minute

Dowlada Kenya ayaa waxa ay maanta  amar ku soo rogtay shirkadaha Xawaaladaha ee ka howlagala dalka Kenya. Shan shirkadood oo ka mida shirkadaha Xawaalaha ayaa albaabada la isugu dhuftay laguna amray in ayan dib u furin ilaa amar danbe.

Xiriirka u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya aya waxa uu maryaa meeshii ugu xumayd mana muuqata ifafaalo xal loogu raadinayo khilaafka soo kala dhex galay labada dal. Maalintii shalay ahayd ayaa mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Fedaraalka loo diiday in la siiyo VISAHA dal ku galka ee Kenya.