Iyada oo dhowr maalin ka soo wareegatay weerarkii Al Shabaab ee Magaalada Mandheera, Ciidamada Booliska Dalka Kenya ayaa waxaa ay faahfaahin ka bixiyeen Weerar ay Al-Shabaab ka fuliyeeen Magalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari ee Dalka Kenya.
Sida uu sheegay Afhayeen u hadlay booliska Kenya, Al-Shabaab ay beegsadeen gaari bas oo ay saarnaayeen dad shacab ah, islamarkaana uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Sidoo kale Booliska ayaa waxaa ay tilmaameen in gaariga la weeraray uu ka ambabaxay magaalada Madheere, islamarkaana uu ku sii jeeday Magaalada Nairobi ee dalka kenya.
Warka ka soo baxay booliska ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in weerarka ay qaadeen lix dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana ragga weerarka fuliyay ay goobta ka baxsadeeen sida ay hadalka u dhigeen.
Dhawaan ayay aheyd markii Al-Shabaab ay weerar la beegsadeen macalimiinta wax ka dhigi jiray gobolka Waqooyi bari ee dalka kenya, kuwaasi oo markii dambe cabsi ay ka qabaan in ay sii kordhaan weerarada Al-Shabaab ay ka carareen gobolkaasi.
Xilligaasi wixii ka dambeeyay Al Shabaab ayay u surogashay iney dhowr weerar ka fuliyaan gudaha dallka Kenya kuwaasi oo qaarkood geystay khasaaro badan.