Kenya oo war ka soo saartay Weerar ka dhacay LAMU

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Dalka Kenya ayaa waxa ay ka hadashay Weerar la aaminsanyahay in xubno ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen gaadiidka ka qeybgalaya dhismaha wadado  isku xirta Lamu iyo Garsen waxaana waayihii dambe sii kordhayay weerarda ay Al-shabaab ka fuliyaan Wadanka Kenya.

 

Taliyaha ciidamada booliska ee Lamu Irungu Macharia ayaa weerarkan u xaqiijiyay warbaahinta The Citizen ee dalka Kenya isaga oo sheegay in ciidamada booliska iyo kooxaha hubeysan ay is rasaaseeyeen ka hor inta aaney maleyshiyaadka Al-Shabaab u cararin dhanka keymaha.

Sarkaalkan ayaa sheegaya in marka laga tago baabuurta la gubay aaney dhacdadani sababin wax dhimasho iyo dhaawac ah.

Kooxda weerarka qaadday ayuu taliyaha booliska ee Lamu sheegay iney damacsanaayeen iney weeraraan xarun boolis oo ka agdhoweyd wadada uu dayactirku ka socdo ee Lamu-Garsen.

Al-Shabaab ayaan weli sheegan weerarkan. Hase ahaatee, waxa ay malayshiyaadka Al-Shabaab dhowr jeer oo hore ay weeraro ka fuliyeen goobo ka tirsan gobolka xeebta ah ee Lamu ee dalka Kenya.