Kenya oo tababaraysa shaqaalaha Dowlada FS & Bangiga Aduunka oo maalgalinaya

Reading Time: < 1 minute

Waxaa asbuucyada soo socda ka bilaabanaya machadka weyna ee tababarka Shaqaalaha ee dowlada Kenya. Tababarkaan xoogan ayaa la siin doonaa  shaqaalaha rayidka ee  dowlada Federaalka Soomaaliya, waxa bixin doona tababarkaas qubaro iyo macaliin Keenyaan ah.

Bangiga Aduunka  ayaa bixinaya maalgalinta tababarkaas, iyada oo shaqaalaha dowlada  federaalka ay soo diri doonto wasaarada shaqada ee dowlada Federaalka. Lama ogo lacagta ku baxaysa tababarkaas balse waxaa lagu sheegay malaayiin doolar.

Shaqalahaan ayaa waxaa la dajin doonaa hoteelo ku yaalo duleedka magalaada Nairobi halkaas oo ay degaanan doonaan inta uu socdo tababarkaas.

Wasaarada shaqada  ayaana ka codsatay in tababarkaas qandaraas lagu siiyo dowlada Kenya. Waxaa wax lala yaabo ah in Farmaajo idaacadaha ka caayo dowlada Kenya iyo hogaankeeda  isaga oo dhanka ka tuugaya in  shaqalihiiisa ay tababarto dowlada Kenya?. 8 Sideed kamida shaqaalaha la tababarayo waxa ay ka soo jeedaan xafiiska Rooble iyo kan Farmaajo.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!