Dowladda Kenya ayaa sheegtay weerarkii Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay inta u dhaxeysa Wajeer & Mandhera ee Al shabaab ku qaadeen gaari Bas oo wadada maraayay in weerarkaasi uu hoggaaminaayay Nin Macalin Iskuul ahaan jiray.
Sirdoonka Dalka Kenya ayaa sheegay in Ninka hoggaaminayay kooxda ka tirsan Al-shabaab ee weerarkaas geysatay uu ahaa Macalin Iskuul oo deegaanka Wajeer ku yaalla.
Magaciisa waxaa lagu sheegay Maxamed Xuseen Xasan oo Barre ka ahaa dugsi hoose oo ku yaalla Wajeer ayey sheegeen in uu ahaa ninka hoggaaminayay weerarka Jimcihii lagu dilay 11 qof ee aan Muslimka ahayn.
Weerarkaas ayaa waxaa lagu qaaday Bas ka baxay Nairobi kuna socday Mandheera, waxaa la socday 56 qof, waxaana 15 Nin oo uu hoggaaminayay Maxamed Xuseen Xasan ku qabteen inta u dhaxeysa Katuulo iyo War-guduud,halkaas oo ay dadka u kala saareen Muslimiin iyo dad aan Muslim aheyn.
Shabaab waxa ay halkaasi ku dileen 8 Askari oo Boolis ah, kuwaasi oo shaqadooda dib ugu laabanaayay nin dhaqtar ahaay & dad rayid ah, kadib markii ay kala saareen dadkaasi.
Xaalad amni xumo ayaa ka jirta wadada u dhaxeysa Mandhera & Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari, maadaama Shabaab si wayn looga cabsoonaayo.