Saraakiisha Laanta Socdaalka ee Garoonka diyaaradaha Jomo kenyata ayaa u sheegay Masuuliyiinta Soomaalida inay dib ugu laabtaan Magaaladda Muqdisho oo Visaha ka soo qaataan Safaarada Kiiniya ee Muqdisho, halkii markii hore Fiisaha laga siin jiray Garoonka Jomo Kenyata.
Dhinaca kale, Wasiirka qorshaynta dowladda federaalka Jamaal Xasan, Wasiirka Caafimaadka Fowsiyo Abikar iyo La taliyaha qaranka madaxweyne Farmaajo oo ka mid ah waftiga Soomaalida ayaa loo ogolaaday inay galaan Nairobi, kadib markii ay la soo baxeen Baasaboorada Yurub iyo Canada
Masuuliyiinta loo diiday inay galaan Kenya ayaa maanta ka qaybgalay gali lahaa shir midowga Yurub soo qabanqaabisay oo looga hadli lahaa barnaamij la xiriira khilaafaadka xuduudaha, shirkan ayaa ka dhacayay xarunta qaramada Midoobay ee Nairobi. Dowladda Federaalka ayaa weli ka jawaabin tallaabada ay kenya qaaday ee ay Fiisaha ugu diiday Masuuliyiinta Soomaaliyeed.
Dalka Kenya ayaa waxa ku nool madax ka tirsan dowlada Fedaraalka. Dhamaan mas’uuliyiinta sare ee dowlada Fedaraalka oo ay ku jiraan madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa qaar ka mida qooysaskooda ku nool yihiin dalka Kenya.