Kenya oo sheegtay in ay difaacayso xuduudaheeda iyo amniga dalkeeda

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa oo isaga oo la hadlaayay ciidanka dalka Kenya sheegay in ay go’an tahay dalkisa in xuduudihiisa uu uga difaaco shisheeye kasta oo soo faro-galiya. Waxaa uu digniin u jeediyay xoogag uusan magacaabin oo uu sheegay in aysan xushmeynayn madaxbanaanida dhuleed ee Kenya.

“Cidna kama aqbaleyno in ay sheegato lahaanshiyaha qeyb ka mid ah dhulkeena, sida aan u xushmeyno xuduuddaha dalalka kale ayaan sidoo kale ka filaynaa in xuduuddaheen dhuleed iyo badeed loo xushmeeyo,” ayu yiri madaxweyne Kenyatta.

Dhanka kale, hadalkiisa ayaa loo fasiray in uu yahay farriin uu u dirayo Soomaaliya oo uu muran dhanka badda ah kala dhaxeeyo Kenya iyo kooxda Al Shabaab oo ayagana dhibaatio ka gaysatya gudaha dalka Kenya.  Keynta Boni oo ku taalla xuduudda Soomaaliya ayaa ah mid ay gabbaad ka dhigteen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, halkaasi oo ay ka soo qaadaan weerarada ay ka fuliyaam deegaannada Lamu, Garissa iyo Tana River.

Waxaa sidoo kale oo uu Uhurru Kenyatta  xusay in Kenya ay tahay dal nabadda jecel isla markaana ay dooneysa in nabad ay kula noolaato dalalka dariska ah ayna ka qeyb qaadatay howlaha nabadda loogu raadinayo dalalka kale. Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya muran dhanka badda ah oo muddo dheer soo jiitamayay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!