Dowlada Kenya ee uu madaxweyaha u yahay madaxweyne Willaim Ruto ayaa waxaa soo foodsaartay dhaqaale xumo keentay in uu sare u qaado canshuurta dalka, halka uu caalmamka intiisa kalana uu weydiistay in la siiyo dalkiisa deymo si uu uga baxo dhibataada dhaqaale xumi ee maalinba a maalinta ka danbeeysa ka sii dareysa.
Sida uu qoray wargayska Business Daily Africa oo ay leedahay shirkada Nation, Furitaanka xududa Soomaaliya ayaa waxa ay keeni doontaa in sare au qaado dhaqaalaha dalka Kenya. Dowlada Ingiriiska ayaa u balan qaaday dalka Kenya in ay furitaanka xuduudaha Soomaaliya ay maalgalin buuxda ku sameeyn doonto.
Iyada oo taa laga duulayo ayaa Kenya iyo Soomaaliya waxa ay isniintii ku heshiiyeen in dib loo furo saddex goobood oo soohdinta labada dal ah.
Dib u furista saddexda goobood ee xuduudka — oo xirnaa in ka badan toban sano, sababo la xiriira amni darro oo ay geysteen kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ee fadhigeedu yahay Soomaaliya, ayaa la filayaa inay sare u qaaddo isu socodka dadka iyo caasimadda Kenya iyo Soomaaliya.
Si dhaqdhaqaaqa xorta ah ee badeecooyinka dib ugu soo laabto, waxa heshiiskan ku xidhan yahay in ay ansixiyaan Itoobiya iyo Ingiriiska oo ah labada waddan ee kale ee wada-hadallada ka dhexeeyey.
“Waxaa la isku raacay in mashruucan uu sii socdo iyadoo loo eegayo saddexda waddan ee iskaashiga la leh Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya, oo ay wada fadhiisan doonaan dalka Ingiriiska si ay u heshiiyaan qorshe hawleedka iyo hawlaha faahfaahsan,” ayuu yiri xoghayaha arrimaha gudaha Kenya Kithure Kindiki.
Saddexda goobood ee xudduudaha ah waxaa ka mid ah Mandheera/Belet Xaawo (Belethawa), Liboi-Harhar/Dhoobley iyo Kiunga/Raas Kambooni ka dib in ka badan toban sano oo ay xirnaayeen.
Sida ay sheegtay dowlada Kenya, dalka Kenya ayaa u dhoofiso dalka Soomaaliya ganacsi ay ku sheegeen in sanadkii ay Kenya ka soo gasho lacag lagu qiyaasay 11.8 Bilyan oo ah lacagta Kenya.
Warbixinno ka soo baxay Xafiiska Tirakoobka Qaranka ee Kenya (KNBS) ayaa muujinaya in dhoofinta laga keeno Kenya ee loo dhoofiyo Soomaaliya, marka laga reebo Qaadka — ay ku jiraan inta badan tubaakada duuban, baradhada, basasha, salaar, yaanyada, shaaha, saabuunta iyo macsarada — ay kordheen ilaa Sh15.3 bilyan sannadkii hore.
Waxaa muuqata in dalka Kenya uu gabi ahaanba banaanka dhigay beeralayda Soomaalida madaama Kenya laga soo dhoofiyo dalag dalka Soomaaliya ka bixi karo.
Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaasha qaar ayaa ku dooday in ay tahay xiritaanka goobaha rasmiga ah ee laga soo galo taas oo keentay in si sharci darro ah dadka, hubka iyo waxyaabaha koontarabaanka ah ee xuduudaha.
Sidoo kale Kenya iyo Soomaaliya ayaan weli xalin farqiga u dhaxeeya badda kadib markii Muqdisho ay dalbatay in dib u eegis lagu sameeyo soohdinta badda taasoo wax ka bedeli karta badweynta labada dal.
Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa go’aan ka gaartay Soomaaliya, inkastoo Kenya aysan aqbalin xukunka.
Dr Kennedy Manyala, oo ah dhaqaale yahan, ayaa xusay in haddii aan si wanaagsan loo qaabaysan heshiiska, ay dhici karto inay kordhiso kiisaska tahriibka.
“Haddii badeecadaha Soomaaliya ka yimaada aan si sax ah loo diiwaan gelin ama aan loo nidaamin, xubnaha kale ee Bariga Afrika waxay sameyn karaan buuq. Sababtoo ah ma hubin doonaan in badeecadaha qaar lagu sifeeyay inay yihiin kuwa gudaha lagu soo saaray si looga gudbo xuduudaha,” ayuu yiri Manyala.
Dowlada Kenya ayaa ku rajo weyn in dalkeeda uu faa’iido dhaqaale ka heli doono furitaanka xuduudaha dalka Soomaaliya, taas oo culayska ka qaadi doonto madaxweyne William Ruto oo ay soo wajahday culays dhaqaale.
Dowlada Soomaaliya ayaan wali sheegin faa’idada gaarka ah oo ay ka heleyso furitaanka xuduudaheeda xiligaan. Sidoo kale waxa iyadana u baahan in dowlada Kenya ay sheegto sababta dowlada Ingriiska u maalgalinayso furitaanda xuduudaha Soomaaliya.