Kenya oo shaacisay in horjogayaal alshabaab ayku qaraxday Miino

Reading Time: < 1 minute

Booliiska Kenya ayaa sheegay in Xubno katirsan Al-Shabaab ay ku qaraxday Miino ay ku aasayeen wadada isku xirta Faafa iyo Gaarisa, waxaana ku dhintay saddex ruux, halka afar kale ay dhaawacmeen.

Saraakiisha qaarkood ayaa Warbaahinta gudaha Kenya u sheegay in Shaqsiyaadka Miinada ku qaraxday ay wateen Gaari nuuciisu yahay Toyota Hilux oo labo Shirley ah, dadka qaar ayaa u yaqaana (Qooqan).

Koox katirsan Booliiska Kenya oo tagtay goobta waxa ay kusoo aragtay Dhiig, firirka qaraxa, dhulka oo burbur gaaray, waxaana ay xog dhageysteen dadka deegaanka ah ee u dhaw halka miinadu ku qaraxday.

“Qaraxa ayaa dhacay 4-ta Galabnimo ee Jimcaha, waxaa dhintay Saddex ruux, halka dhaawac halis ah uu gaaray afar kale, dhammaan waa dadkii miinada dhigayay wadada ee Al-Shabaab katirsan” sidaasi waxaa yiri Sarkaal katirsan Booliiska Kenya oo la hadlay Warbaahinta Gudaha.

Dadka Deegaanka ayaa dhankooda Warbaahinta ka howlgasha Kenya u sheegay in ay maqleen jug xooggan, waxyar kadib ay arkeen Uuro Cirka isku shareertay, inkastaas kadib waxa ay arkeen Gaari xawaare sare ku socday oo goobta ka baxsanayay.

Saraakiisha ammaanka Kenya ayaa ku dooday in kooxdaan qaraxa dhigeysay ay kasoo gudubtay dhinaca Soomaaliya oo markii horeba Kenya ka gashay, balse lama hayo warar xoojinaya arrintaan.

Ciidamo Booliis iyo Militari isugu jiro ayaa la geeyay deegaannada dhulka Soomaalida balse Kenya maamuasho, xukuumadda Nairobi waxa ay qorshahaas ku tilmaamtay mid ay uga hortageyso weerarada Saldhigyada, kuwa jidgalka ah iyo qaraxyada Miinooyinka oo ay ku waayeen Gawaari badan.