Sida ku cad Amarka Fulinta ee No.1 ee 2023 ee uu soo saaray Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto maalintii shalay ahayd ee bisha Janaayo ahayd 10keeda, 2023 ayaa lagu sheegay in xarun xusub (Mission) oo ka shaqeeynaysa xiriirka labada dal ee Kenya iyo Somaliland laga furo Magaalada Hargeysa.
Amarka Madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu sheegay in safaaradaha dib u habeynta iyo furitaanka safaarado cususb (Missions) ay ku jiraan dalalka Jabuuti, Indonesia iyo Somaliland.
Xarunta ama Safaaradda cusub ee oo ay Kenya ka furanayso dalka la magac baxay Somaliland ayaa ah tii ugu horeeysay oo noocaas oo ay Kenya ka furato Somaliland.
Wasaarada Arimaha Dibadda ee dalka Kenya ayaa sheegtay in ergada diblumaasiyadeed ee fadhigooda noqon doono magaalada Hargeysa ay “kordhin doonaan matalaadda Kenya ee Somaliland” iyadoo dowladda Kenya dooneyso inay laba jibaarto horumarinta xiriirka ganacsi, dhaqaale iyo dhaqan ee ay la leedahay dalka Somaliland.
Sidoo kale, waxaa jiro talaaboyin cusub oo ay dowlada Kenya qaaday taas oo ay kor ugu qaadayso danaha ay ka leedahay arimaha dibadda, waxaana talaabooyinkaas ka mida in dhawaan la sameeyay waax cusub oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda taas u xilsaarnaan doonto arrimaha qurba-joogta. Waaxda cusub ayaa loo bixiyay “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta.”.
Somaliland ayaa waxa ay ku leedahay dalka Kenya Xarun ku matasha dalka la magac baxay Somaliland. Talaabada ay qaaday dowlada Kenya ayaa waxaa ay fursad u siinaysaa dalka la magac baxay Somaliland in iyadana kor u qaado xafiiskeeda ku yaala Nairobi oo ay hesho aqoonsi buuxa.
Dowlada Federaalka Somaaliya ayaa waxa ay horay ugu soo horjeeday in Somaliland hesho aqoons caalami ah. Wali ma cada talaabada ay qaadi doonto dowlada Soomaaliya ee la xiriirta isbadalka ku yimid arimaha dibada ee dalka Kenya ee ku aadan dalka Soomaaliya.
Dhanka kale, waxaa iyadana muuqata in kulankii sadax geesoodka ahaa ee dhawaan ka dhacay magalaada Jabuuti ee dhexmaray madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya, Jabuuti iyo Somaliland uu saameyn ku yeeshay siyaasadda arimahada ee dibadda Kenya, kaas oo keenay inay sare ugu qaado xaruntii ay ku lahaynd magalaada Hargeysa, kana dhigto safaarada ama waxa afka qalaad lagu yiraahdo Mission. Dhawaan ayaa la filayaa in uu Madaxweyne Ruto soo magacaabo Safiir ama wakiil cusub oo Kenya u fadhin doona Somaliland.