Kenya oo loogu baaqay in ay wadahal diblomaasiyadeed la gasho Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

Khubarro dhinaca Cilmiga Badda ah ayaa shir ku yeeshay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Khubarradan waxaa isu keenay Mac-hadka siyaasadda ee Afrika,waxaana xoogga lagu saaray sida Kenya ay  u joojin karto tallaabooyinka ad adag ee ay ka qaadeyso Soomaaliya.

Waxaa ay Dowladda Kenya ugu baaqeen in ay xalka ka eegto dhinaca Diblomaasiyadda islamarkaana ka digtoonaato tallaabooyin kale oo colaadin hor leh abuuri kara.

Waxa ay sheegeen in Haddii Kenya ay ku fashilanto dacwadda Badda ee September la go’aaminayo in labada dal ay sameyn karaan wadahadal kale oo labada dal u gaar ah.

Waxaa ay tusaale u soo qaateen xukunka ICJ ayee China ka dhanka ahaa ee kala dhaxeeyay Dalka Philippines kaas oo biyihii lagu muransanaa siiyay dalka Philippines laakiin ay labada dal dib u fureen wadahadal sidaasna hadda heshiis ku yihiin.

Khubarrada ku shiray Nairobi ayaa sheegay in haddii ICJ biyahaas u xukunto Soomaaliya ay Kenya noqoneyso dal aan badlaheyn islamarkaana Kenya ay ku qasbanaaneyso in ay fasax weydiisato dalalka Tanzania iyo Soomaaliya si ay Maraakiibteeda ugu  xirtaan Mombasa.

Khabiir Kenyaan ah oo lagu magacaabo Peter Kagwanja, ayaa sheegay in haddii ICJ biyahaas u xukunta Soomaaliya ay saameyn taban ku yeelan doonto dalalka  kala ah; Uganda, Rwanda, South Sudan, Burundi iyo  DRC, oo dhamaantood ku tiirsan Dekadda Mombasa.