Kenya oo laga fasaxay qalashada iyo cunida hilibka Dameerka

Reading Time: < 1 minute

Kenya oo si qarsoodi ah loo qasaho Dameerta ayaa  laga fasaxay qalashadooda iyo cunitaankooda. Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa xayiraadii ka qaaday qalashada iyo iibinta hilibka dameeraha oo ay dowladda saartay bishii Febraayo ee sanadkii hore.

Kawaannada dameeraha oo dacwad uu soo gudbisay mid ka mid ah  maxkamadda Kenya ayaa u xukuntay in dowladda aysan si ku filan u difaacin kiiskeeda. Xukunka ayaa ka dhigan in afarta kawaan ee dameeraha ee horay shatiga loogu siiyay inay ka shaqeeyaan Kenya ay hada dib u bilaabi karaan ganacsigooda. Tani waxay daba socotaa codsi guuleystey oo ay soo saartay shirkadda ‘Br Bryanant Slaughterhouse’, oo sheegatay in amarka dowladda uu ku xadgudbay xuquuqdeeda.

Sanadkii la soo dhaafay, Kenya waxay mamnuucday gawraca iyo dhoofinta dameeraha iyo wax soo saarkooda si loo ilaaliyo dameeraheeda gudaha ku nool. Dowlada ayaa kadib weydiisatay milkiileyaasha kawaannada inay u baddalaan goobahooda goobo lagu qalo xoolaha kale sida ariga iyo lo’da. Tirada dameeraha Kenya ayaa lagu qiysaasy 1.8 milyan ilaa 1.2 milyan intii u dhaxeysay 2009 iyo 2019, sida lagu sheegay xogta rasmiga ah ee dowladda ee la daabacay 2020.