Kenya oo Laga Baadi Goobaayo Shaqsiyaad Shabaab Ka Tirsan

Reading Time: < 1 minute

Idaacadda KBC ee dalka Kenya ayaa sheegtay in ay Booliska ugu baaqeen dadweynaha inay la wadaagaan xogta ku aadan 3 nin oo Kenyan oo ka soo gudbay Xuduudka, si ay ugu biiraan Al-Shabaab.

Booliska ayaa sheegay inay rumeysan yihiin inay raggaasi horaantii bishan April u gudbeen Xerooyinka Tababarka ee Al-Shabaab, lagana cabsi qabo inay dib ugu soo laabtaan Kenya, si ay u fuliyaan weeraro, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Hadal qoraal oo ay Boliska Kenya u kala direen Warbaahinta Maxaliga ay ku sheegeen in ragga la raadinayo lagu kala magacaabo:

Maxamed Cabdalla Asman oo loo yaqaan Papa, kana soo tegay Xafadda Majengo ee magaalladda Nairobi,
Xamasi Xamad oo loo yaqaano Boloteli iyo Cali Axmed Cali, kuwaasi oo ka yimid Gobalka Malindi Kilifi.

Al Shabaab aya inta badan waxa ay dhalinyaro ka qortaan Dowlada Kenya iyago dhalinyaro badan sanadihii ugu danbeeyay Dhalinyaro badan ka qortay Dalkaasi Kenya.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!