Kenya oo ku guulaystay codka Afrika ee musharaxnimada Golaha Amaanka

Reading Time: < 1 minute

Kulankii codeynta ee cidii Afrika ku matali lahayd golaha amaanka ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya

Codeynta oo loo qabtay dowladaha Kenya iyo Jabuuti oo ku tartamayay kursiga Afrika ee Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa loo codeeyay in Dowlada Kenya u noqoto musharaxa kaliya ee u taagan kursiga aan joogtada ahayn ee Afrika u geli doona tartanka Kursigaas ka mida Golaha 10-ka dal ee aan joogtada ahyan ee Golaha Amniga ee 2021-2022, iyadoo ay Kenya ka guuleysatay dalka Jabuuti oo la tartamayey.

Codeyn Qarsoodi ah oo ka dhacay xarunta Midowga Afrika maanta ayey wareegii labaad Kenya heshay 37 cod, halka Jabuuti ay heshay 13 cod, iyadoo ay codeynta ka qeyb galeen 51 dal oo ka mida 55-ka dal ee Afrika. waxayna Kenya sidaasi ku noqotay dalka kaliya ee Afrika u sharxan tartanka ka mid noqoshada Golaha Amniga ee Q/Midoobay.

Wareegii koowaad ee codeynta waxay Kenya weysay 3/2 codadkii loo baahnaa, iyadoo heshay 34 cod, waxayna Jabuuti markaasi hesahy 15 cod.