Kenya oo ka hadashay dib u bilaabashada wadahadallada Soomaaliya & Somaliland

Reading Time: < 1 minute

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha dalka Kenya, Monica Juma ayaa qoraal ay barteeda twitter-ka ku baahisay Axaddii ku sheegtay in dowladda Kenya ay soo dhaweynayso sida ay Soomaaliya iyo Somalilland uga go’an tahay inay sii wadaan waddada wadahadaladda.

Monica Juma ayaa sidoo kale sheegtay in hoggaamiyeyaasha labada dhinac ku heshiiyeen ama isku raaceen in dib loo bilaabo hannaanka dib u heshiisiinta.

Quote Message: Waxaan soo dhaweyneynaa sida ay uga go’an tahay dhammaan dhinacyada inay sii wadaan waddada nabadda waarta. 8dii Diseembar, Hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Somaliland waxay ku heshiiyeen dib u furirda hannaanka dib u heshiisiinta from Monica Juma

“Waxaan soo dhaweyneynaa sida ay uga go’an tahay dhammaan dhinacyada inay sii wadaan waddada nabadda waarta. 8dii Diseembar, Hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Somaliland waxay ku heshiiyeen dib u furirda hannaanka dib u heshiisiinta” Monica Juma