Kenya Oo Ka Guuleysatay Dowladda Farmaajo, Iyo Qorshe Halis Oo Socda

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Kenya ayaa ka guuleysatay dowladda uu hoggamiyo madaxweyne Farmaajo, kadib markii ay si iskeed ah u dhisaneyso darbiga xadka, iyadoo aan cidna la tashan.

Kenya oo meel uga dhacday qarannimada Soomaaliya ayaa hadda waxay si aan cabsi ku jirin u dhisayaan xadka Labada dal, waxayna middaasi sharaf dhac aad u weyn ku tahay dowladda Farmaajo.

Xog aan helnay ayaa waxay sheegeysaa in Kenya sidoo kale ay dooneyso in guud ahaan degmada B/xaawo ka dhigto aag laga difaaco gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Dowladda Kenya ayaa hadda dalka sidey doonto ka yeelaneysa mana jirto dowladda ka difaceysa, xitaa af.