Kenya oo heegan gelisay ciidankeeda xili ay sadax sano ka soo wareegatay weerarkii Dusit D2

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay heegan gelisay Ciidamadeena ammaanka si ay uga hortagaan weerar weliba oo dhanka Al-Shabaab ka yimaada sida uu Warbaahinta u sheegay Afhayeenka Booliiska Bruno Shioso.

Waxa uu Afhayeenku tilmaamay in xusuusta ay ku hayaan weerarkii ugu dambeeyay ee Arbacadii ka dhacay Muqdisho ee sababay dhimashada & Dhaawaca, weeraradii kale ee Kenya ka dhacay oo ay mas’uuliyadda sheegatay Al-Shabaab.

Ciidamada ammaanka ayuu tilmaamay in feejignaan sare la geliyay inta lagu howlan yahay xusuusta dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkii Dusit D2 Magaalada Nairobi oo dhacay 15kii Janaayo 2019kii maanta oo kale.

Sarkaal katirsan Hay’adaha ammaanka Kenya ayaa laga soo xigtay in Xusuusta Xukuumadda Nairobi aanay ka go’in weerarkaas ku billawday Gaari lagu soo raray Walxaha Qarxa oo lala eegtay goob muhiim ah oo ay isugu tagi jireen dad kala duwan.

Kenya waxa ay sheegtay in kooxda weerartay Dusit D2 ay wateen hub kala duwan, Bambooyinka Gacanta laga tuuro & Gaariga ay ku billaabeen weerarka oo lagu soo diyaariyay walxaha qarxa.

Xukuumadda Nairobi ayaa khasaaraha dhimashada weerarkaas ku sheegtay dhimashada 22 ruux oo ay kamid yihiin 5tii qof ee fulisay weerarka & Dhaawaca 27 kale, balse wararka ayaa sheegaya in uu intaas ka badan yahay maadaama dagaalka uu socday in ka badan 24saac.

Ehelka dadka dhibaatadu ku gaartay weerarka ayaa Dowladda Kenya ka dalbaday in dhiigga dadkooda meel loogu sheego ama la tuso dad loo ciqaabay in ay ka dambeeyay falkaas, waxa ay qaraxaas ku tilmaameen in uu badelay noloshooda.