Mas’uuliyiinta ismaamulka Wajeer ee Kenya ayaa Khamiistii dab-qabad siiyey maceeshad lagu qiimeeyay ku dhowaad 44-kun oo Doollar-ka Mareykanka taasoo ka timid dhanka Soomaaliya.
Saraakiisha ayaa tibaaxay in alaabta la gubay, oo isugu jirtay Caano, Sonkor iyo Cunnooyin kale, ay ka qabteen xadka laba waddan.
Taliska Booliska ayaa ku tilmaamay badeecaddan mid qaab aan sharciga waafaqsaneyn lagu geliyay dalkan dhaca barigga qaaradda Afrika.
Wargeyska afka dheer ee kasoo baxa Nairobi, Daily Nation, ayaa ku waramaya in maxkamad ay amar ku bixisay in la burburiyo raashiinka.
Cumar Beja, taliyaha bileyska Wajeer, ayaa ku dhawaaqay in waqti xaadirkaan sohdinta Soomaaliya-Kenya ay ka xiran tahay ganacsiga.
Bilooyin kahor ayay ahayd markii isla gobolkaan lagu gubay maceeshad lagu qiimeeyay ku dhowaad 48-kun oo Doollar-ka Mareykanka ah, taas oo ka timid dhinaca Soomaaliya laguna qeexay mid sharci darro ah.
Kiiskaan oo mad-madow u yeelay cilaaqaadka labadda dowladood ayaa saameeyay; ganacsiga, siyaasadda, diblumaasiyadda iyo is-dhexgalka gaar ahaan dhanka xuduudka oo la adkeeyay.
Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ, taas oo gal-maqalka uu horyaalo, ayaa muddeysay in bisha June ee 2020-ka ay dib u bilaabi doonto dhageysiga kiiskan oo taagan tan iyo bishii August 2014.
Dacwadda u dhaxeysa labadda waddan ee deriska ah ayaa waxay ku saabsan tahay goob ku taala xuduudka, halkaas oo hodan ku ah noocyo kamid ah kheyraadka dabiiciga ah sida; Gaaska naqaska ah iyo shidaalka