Iyada oo dadka Soomaaliyeed ay dhibaato xoog leh ay ku qabaan in ay helaan Fiisaha dal ku galka ayaa dalka Eritrea oo ka liita dalka Soomaaliya marka loo fiiriyo dhinacyada badan ayaa waxaa gabi ahaanba laga qaadaya sharuudaha Fiisaha dal kugalka.
Qofkii Eritrean ah oo rabo booqdo dalka Kenya saacadii uu doonyo ayuu ku soo dagi gkaraa aroomada dalka Keya isaga oo aan u baahnayn Fiisaha Dal kugalka. Halka Qofka Soomaaliga uu ku bixiyo $500-$700 iyada oo uu rafaad badan ka maro helitaanka Fiisaha.
Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa Khamiistii 9-kii Febraayo sheegay in Kenya iyo Eritrea ay ku heshiiyeen in la baabi’iyo shuruudaha fiisaha dal ku galka ee labada wadan.
Isla markaana, Dr. Ruto ayaa sheegay in Kenya ay si degdeg ah safaarad uga furan doonto caasimadda dalka Eritrea ee Asmara.
“Iyadoo la tixgelinayo sida ay uga go’an tahay maamulkayga inuu sii qoto-dheereeyo oo uu xoojiyo xiriirka Kenya iyo Eritrea, waxaan jeclaan lahaa inaan maanta xaqiijiyo in Kenya ay xafiis dublamaasiyadeed ka furan doonto Asmara, ka dibna waxaan faray Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay bilowdo hannaanka dhaqangelinta awaamiirta” ayuu yiri Ruto, mar uu Aqalka Madaxtooyada ee Nairobi ku qaabilay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.
Afwerki, oo booqasho laba maalmood ah ku tagay dalka Kenya, ayaa maaalintiii Arbaco ah 8-da bisha February gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Ajendaha ugu sarreeya ee kulanka uu la qaatay madaxweyne Ruto ayaa ahaa ka-qaybgalka laba geesoodka ah ee ku aaddan dhinacyo badan oo iskaashiga labada dal.
Madaxweyne Ruto ayaa Khamiistii sheegay in dadaallada lagu dhiirigelinayo isu socodka xorta ah ee ganacsiga u dhexeeya Kenya iyo Eritrea, ay labada waddan ku heshiiyeen in la baabi’iyo shuruudaha fiisaha ee dadka safarka ah.
“Waa wax iska hor imaanaya inaan sii wadno sameynta xuduudaha fiisaha, isla markaana aan isku dayno isdhexgalka gobolka iyo ganacsiga gobolka,” ayuu yiri Ruto, isagoo raaciyay.
Waxa uu ku daray “Go’aankayaga ah in la baabi’iyo shuruudaha fiisaha ayaa noo ah dardar soo dhaweyn ah si aan u dhisno qaarad guuraysa. wuu ka ganacsadaa oo ganacsigiisa u qabtaa caqabad la’aan”.
Madaxweyne Afwerki ayaa ku celceliyay hadalka Ruto, isaga oo sheegay in qaadista shuruudaha fiisaha ay astaan u tahay “mid muhiim ah” muwaadiniinta labada dal.
“Wax aan dib u curineyno ma jirto, tani waa waajib saaran dadka ku dhaqan gobolka, waana inaan qaadanaa mas’uuliyadda, dib u soo nooleynta urur goboleedka IGAD,” ayuu yiri.
Su’aashu waxa ay tahay maxaa keenay in shacabka iyo dowlada Soomaaliya ay dowlada Kenya ula dhaqanto sida ka baxsan dhaqanka ama qaabka ay kenya ula dhaqanto dalalka daris ah, mise anaga ayaa luminay sharafkii aan ku lahayn dalalka Afrika.