Kenya oo adkeeysay xuduudaheeda si ayan dalkeeda u soo galin Al Shabaab

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Kenya ayaa ciidan dheeraad ah oo la socda dhaqdhaqaaqa Dadka ka gudbaya Xadka ay la wadaagto Soomaaliya usoo dhigtay si ay uga hortagaan digniin la xiriirta in xubno katirsan ‘AS’ ay u gudbi karaan gudaha Dalkaas.

Sarkaal katirsan Ciidamada Ammaanka Kenya oo aan la sheegin Magaciisa & Derajadiisa ayaa Warbaahinta u sheegayin in howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Gobollada Soomaaliya ay dhaliyeen culeys dhankooda koray.

Madax & Dagaalamayaal katirsan ‘AS’ ayuu sarkaalkaan sheegay in ay u jiheysteen deegaannada ka fog Gobollada Howlgallada ka socdaan si ay uga dheeraad dagaalka looga qabsaday magaalooyin badan oo Koofurta & Bartamaha Soomaaliya ah.

Kenya ayaa sheegtay in si ay uga hortagto xubnaha ‘AS’ ee damacsan in ay gudaha u galaan la kordhiyay ciidamada la socda dhaqdhaqaaqa Soohdinta ay la wadaagaan Soomaaliya oo ah meesha ay kasoo gudbi karaan.

Adkeynta amniga soohdinta waa mid nabadgalyo u ah deegaannada xadka xiga, in si fudud loo gudbiyo sahayda Ciidamada Kenya ka jooga Soomaaliya & in la yareeyo halista weyn ee laga muujinayo weeraro ‘AS’ ay ka geysan karto gudaha Dalkaas.

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Aadan Barre Ducaale oo dhowaan la kulmay Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada ku howlgala ATMIS ee taageerada buuxda ka heysta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa hordhigay in ay adkeeyaan la dagaalanka ‘AS’.