Kenya oo $145 Malyan ku bixinaysa la dagaalanka Al Shabaab ee dalkeeda

Reading Time: < 1 minute

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Kenya ayaa shaacisay 200 oo Bilyan oo lacagta dalka Kenya una dhiganta 145 malaayiin lacagta Maraykanka ah ay ku bixineyso la-dagaallanka ururka Al-Shabaab.

Waxaa kaloo ay wasaaraddu sheegtay in kowda bisha soo socota ee July dib loo furi doono xarunta qaadashada baasaboorka Kenya ee ku taalla magaalada Gaarisa. Waa markii ugu horeeysay oo dadka Soomaalida kenyanka ah ee ku nool waqooyi bari ee dalka Kenya ay baasboorka dalka ka qaadan karaan xafiisyo ku yaalo deegaano ah degan yihiin.

Deegaanada ku sidan xuduudaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa  waxaa dhowr jeer weeraro khasaaro geystay ka fuliyay xubno katirsan Ururka Al-Shabaab, halka Ciidamada Kenya dhankooda ay fuliyeen howlgallo ka dhan ah.

Qeybo kamid ah Gobolada Jubbada Hoose iyo Gedo ayaa waxaa ku sugan Ciidamo aadbu farabadan oo Kenyan ah, kuwaas oo ku howlgalla Magaca ATMIS, isla markaana ay qeyb ka yihiin Ciidamada la dagaamaya Al-Shabaab.