Kenya “Jubbaland waxaan u abuurnay sugidda sohdimaha Kenya”

Reading Time: < 1 minute

Barnaamijka lagu dhisay Jubbaland waxaa uu ahaa shaqada 19 sano ee Ninka lagu magacaabo Nuuraddiin Yuusuf Xaaji oo uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta u magacaabay ku xigeenka Taliyaha Nabad Sugidda Kenya.

Nuuradiin waxaa uu shirguddoomiye ka ahaa kulan ay yeesheen Urur Goboleedka IGAD oo looga hadlayay xasilinta Soomaaliya,waxaana kulankaas ka dhashay Maamul Goboleedka Jubbaland.

Sooyaalka Nuuraddiin ayaa hadda waxaa ku xusan in waxqabadkiisa ay ka mid tahay dhismaha Maamul Goboleedka Jubbaland State of Somalia .

Nuuraddiin waxaa uu shirkaas ka sheegay in sugidda Amniga Kenya ay muhiim u tahay in la helo degaan u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya oo aysan Al-shabaab ku noolaan Karin,taas oo ka imaneysa in la dhiso Maamul Goboleed ay dhisto Kenya hayeeshee hoostaga dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.