Kulan ka dhacay magaalada Nairobi oo ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga Sare ee horumarinta Ganacsiga ee dalka Kenya ayaa looga hadlay sidii Somaliland iyo waliba Kenya ay u yeelan lahaayeen xiriir Ganacsi oo ballaaran.
Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Yaasiin Mohammed xiir oo ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in waddanku uu xiiseynayo in uu albaabada u furo maalgashadayaasha ajnabiga ah ee doonaya in aysan kaliya ganacsiga la wadaagin Somaliland balse sidoo kale abuuraya fursado loogu talagalay dadka dhalinta yar ee raadinaya shaqooyin iyo fursado ganacsi.
“Kenya iyo Somaliland waxa ay wadaagaan waxyaalo badan, Waxaan leenahay taariikh soo jireyn ah oo u baahan in la kobciyo si loo xoojiyo dadkeenna iyada oo loo marayo ganacsiga iyo maalgashiga, “ayuu yiri xiir.
Guddoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Kenya James Mureu ayaa sheegay in dowladda Kenya ay dadaal badan ay ku bixin doonto sidii iskaashi uu dhexmari lahaa Somaliland iyo Kenya, kaasoo ku aadan dhanka Ganacsiga.
“Waxaan diyaar u nahay in aan ganacsi la sameyno Somaliland, sababta ayaa ah oo nabadgaliyo” ayuu yiri James.