Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in ay wada hadal ku aadan dhibaatooyinka ka taagan Xadka Soomaaliya iyo Kenya ay la yeesheen Mas’uuliyiin ka tirsan dalka.
Waxaa uu sheegay in maalmihii ugu dambeeyay uu tagay degaano ka mid ah dalka Kenya oo xad la leh maamulka Jubbaland Sidda Magaalada Mandera iyo Magaalooyin kale oo ku yaalla gobolka Waqooyi bari.
Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa sheegay in sidoo kale Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya uu kula kulmay Magaalada Nairobi, islamarkaana uu ka dalbaday in ay furaan Xadka Soomaaliya iyo Kenya.
Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay soo Afjari doonaan dhibaatooyinka ka taagan xadka labadda dal, islamarkaana Kenya ay ka dalbadeen in ay si wanaagsan u wada shaqeeyaan.