Kenya ayaa loo doortay Gudoonka Gudiga ka hortaga Burcad Baadeedka iyo ilaalinta badda Soomaaliya! Kheyre muxuu ka ogaa? Xog

Reading Time: 2 minutes

Shirkii ka hortaga burcadbadeedka Soomaaliya ee lagu qabtay magaalo madaxda dalka Mauritius ee Balaclava ayaa loogu doortay dalka Kenya in ay hogaanka u qabato Gudiga ka Hortaga Burcad Badeedka Soomaaliya mudo  labo sano ah.

Doorashada Kenya loo doortay ayaa ahayd mid loo dhan yahay, si fiicana ay u soo dhaweeyeen dhamaan wadamadii goobjooga ka ahaa shirkaas.  Dowlada Kenya ayaa u aragta magaacaabistaan mid u suugalinaysa in ay difaacdaan danada gaarka ah oo ay ka leeyihiin badda Soomaaliya.

Dowlada Kenya ayaa shirkaas oo muhiimad gaar ah u lahaa u dirsatay sadax Wasiir oo culays ku leh dowlada Kenya  oo ay ku jiraan Wasiirka Gaashandhiga Raychelle Omamo iyo Wasiirka Maamulka Arimaha Dibadda mudane Ababu Namwamba.

Dhanka kale dowlada Soomaaliya oo xubin buuxda ka ah gudigaan ayaan soo xaadarin goobtii shirka iyada oo Wasiirkii Arimaha Dibabada ee Soomaaliya  Axmad Cawad oo shir fadhi ku dirir ah la qaadanayay jaaliyada Soomaaliya ee Norway. Halka Wasiirkii Gaanshaandhiga uu ka qaybgalaayay gudiga qabanqaabada xafladda Kowda Julaay oo ka dhacaysay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

Wasiirasada Gaashandhiga ee dalka Kenya Raychelle Omamo ayaa doorashada ka dib tiri “ inta Dowlada Kenya gudoonka hayso waxa ay  xiriirinaysaa wadamada ku bahoobay ururkaan, waxaana ay xaqiijinaysaa in ay kordhiso ilaalinta iyo kormeedka badda Soomaaliyeed  si looga hortago burcad badeedka Soomaaliya”.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay MOL ayaa sheegay in Xasan Kheyre raali ka ahaa in Kenya loo magacaabo Gudoonka Gudigaas  isaga oo qadka teelafanka kula hadlay Wasiirka gaashaandhige ee dalka Kenya.

Waragyska Star ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa cadadkiisii maanta ku sheegay in guusha dowlada Kenya ka soo hooysay shirka Mauritius uu ku soo aaday iyada oo Kenya iyo Soomaaliya ay ka dhaxeeyso colaad la xiriirta Xuduudaha badda oo ay labada wadan wadagaan.

Waxaa nasiib xumo ah in dowlada Soomaaliya ay ka maqnaato shirka Mauritius oo ahaa mid qiimo wayn ugu fadhiya Soomaaliya.  Fadeexada ka dhacday Mauritius waxaa mas’uuliyeeda qaadaya Xassan Kheyre oo sida la sheegay ka danbeeyay in shirkaas Soomaaliya ka mqanaato? Isaga iyo dowlada Kenya maxay isla ogaayeen?.