Kenya Airways oo ku biirtay diyaaradaha sida tooska ah ugu duula Somaliland

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo xiriirka u dhaxeeya Kenya iyo Somaliland uu ka soo raynayo maalinba maalinta ka danbeeysa ayaa Shirkadda Diyaaradaha ee Kenya Airways sheegtay inay rajeynayaan inay Hargeysa noqon doonto bar-tilmaameedkooda xiga ee Geeska Afrika.

Wakiilka u jooga Somaliland dalka Kenya ayaa horay heshiis ula  saxiixday dalka Kenya heshiiskaas oo la xiriira dhanka ganacasiga.  Talabadan ay qaday kenya Airways ayaa  waxa ay kordhin doontaa xiriirka Ganacsiga ee Kenya iyo Maamulka Somaliland, sidamaanta lagu soo daabacay Shabakadda Wararka busiweek.com  ee ka faalloota Arrimaha Ganacsiga.

Dhanka kale agaasimaha Maareynta ee Hay’adda Duullimaadka Rayidka ee Maamulka Somaliland, Cabdi Maxamed Rodal waxa uu dhawaan booqday caasimadda Kenya ee Nairobi, iyagoo Madaxda dalkaasi kala hadlay sidii ay Shirkadda Kenya Airways u bilaabi lahayd Duullimaad ay ku tagto Hargeysa.